Wasiir fiqi oo sheegay in shirqoolay nabadoono qarax lagu dilay

HomeWararka

Wasiir fiqi oo sheegay in shirqoolay nabadoono qarax lagu dilay

Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareysay weerar xalay lagu dilay nabadoono ka tagay Beledweyn, kuwaasoo ku sii jeeday deegaan

Xubinta Sicirka & Suuqa Magalada Garoowe ee caasimada Puntland
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Senetor Cabdi Qeybdiid oo Ka Hadlay Khilaafka Galmudug iyo Dulimaadyadda Cidda Masuulka ka ah

Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareysay weerar xalay lagu dilay nabadoono ka tagay Beledweyn, kuwaasoo ku sii jeeday deegaan ay maamusho Shabaab, si ay uga soo daayaan dad ay ka xirteen.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu sheegay in Saddex Nabadoon halkaasi lagu dilay, halka mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo Nabadoonadan ay ka soo jeedeen degmada Buuloburde.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah: (1) Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.

(2) Nabadoon Mukhtaar Xaaji

(3) Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, Sidoo kalena lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaarada waxey sheegtay in dilkan uu ahaa shirqool loo dhigay nabadoonada oo horay isaga diiday in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: