Senetor Cabdi Qeybdiid oo Ka Hadlay Khilaafka Galmudug iyo Dulimaadyadda Cidda Masuulka ka ah

HomeWararka

Senetor Cabdi Qeybdiid oo Ka Hadlay Khilaafka Galmudug iyo Dulimaadyadda Cidda Masuulka ka ah

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, kana mid ahaa Xildhibaanadii Cadaado

Jubbaland oo sheegtay in ay is difaacayso hadii la soo weeraro
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari oo la hor keenay eedeesanayaal (daawo)

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, kana mid ahaa Xildhibaanadii Cadaado u tagtey qaboojinta xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, ayaa faah faahiyay wixii ay Cadaado kala kulmeen.

Waxaa uu sheegay in Arbacadii ay hal meel isugu keenayn Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Galmudug oo isu dhinac ah iyo Madaxweyne Kuxigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo dhinaca kala ahaa, ayna ku guuleysteen inay wada heshiisiiyan, sidoo kalena ay u sameeyen khariirad ay ku wada shaqayn karaan, si khilaaf dambe oo dhexdooda ah aanu u imaan.

Wixii lagu heshiiyay si loo dhaqangeliyo, ayuu sheegay inay diidmo kala kulmeen Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), oo soo istaagay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: