Taliyaha Guud ee Ciidamadda Turkiga oo Muqdisho Gaaray

Taliyaha Guud ee  Ciidamadda Turkiga oo Muqdisho Gaaray

Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga Hulusi Akar iyo Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Turkiga ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka, Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker iyo xubno kale oo Dowladda Federaalka ka socda.

Taliyaha guud ee Ciidamada Turkiga Hulus Akar ayaa loo galbiyey Dugsiga lagu tababaro Ciidamada Dowladda oo Dowladda Turkiga ka hirgalisey Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa indha indheen ku sameynaya qeybaha kala duwan ee Dugsigaasi oo la sheegay in markiiba ay ka qalin jabin karaan 1500-askari.

Warar Mustaqbal ay heleyso ayaa sheegaya in Taliye Hulus Akar ay la socdaan Macalimiin katirsan Ciidamada Militariga Turkiga oo tababarka siin doono Ciidamada Dowladda ee Xeradaas lagu tababarayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com