Wasiir Cawad:“Dacwada Badda ICJ ayaa loo dhaafay”

Wasiir Cawad:“Dacwada Badda ICJ ayaa loo dhaafay”

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka hadlay hadalka ka soo yeeray dhigiisa Kenya Monica Juma, taasoo sheegtay in labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in arrinta ICJ lagu dhameeyo qaab labada dhinac ku heshiiyaan oo la wada aqbali karo.
Wasiir Cawad ayaa ku adkeystay in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay isla qaateen in Kiiska Badda loo daayo Maxkamada Cadaalada Adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

“horta aniga dhigeed baan ahay, Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino, Gabadha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madaxweynayaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaca kale ka meer maaray inuu si toos ah uga Jawaabo su’aal ku saabsaneyd in laga heshiiyay dacwadii dhawaan Xukuumada Muqdisho ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirtay Doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo oo mas’uuliyiin Kenyan ay jabiyeen xanibaadii dhinaca duulimaadyada toos ahaa ee Kismaayo.

Hadal heyno badan ayuu dhaliyay hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ku qortay barteeda Twitter-ka, taasoo keentay su’aalo kala duwan oo ahaa waxa ay dowladda Kenya ku bedelatay, haddii wada hadalada kaliya ay ahaayeen in la soo celiyo xiriirka labada dal, in duulimaadka diyaaradaha ee tooska Nairobi u tagaya, iyadoo la joojiyo sii maristii Wajeer, in Visaha dal ku galka laga qaato garoomada Kenya, gaar ahaan baasaboorada Shaqaalaha iyo kan diblomaasiga.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
  • NuurkaNederland 4 years ago

    MA HAYNO MEEL FARMASJO & XUKUUMADIISU KU XHEEGEEN IN DACWADII BADA LAGA SOO CELINAYO MAXKAMADA ICJ.
    BROBAGANDADU WAA WAX KALE.
    ARINKAAS SOO CELINTA AHNA SIYAASI SOMALIYEED OO HADEER YEELI KARAA MABA JIRTO WAAYO?WAA SHEEKO QARAXDAY OO INDHAHA OO DHAMI KUSOO JEEDAAN!!.
    XITAA FARMAAJO HSDUU HUNGUROODO MA SAMAYN KARO!!!!…
    OK TAASI WAA TAAS.
    ISWEYDII KENYA MAXAY NAGA RABTAA!!?.
    WAXAY NAGA RABTAA INAAN XABAD FUTADA KA GELINO OO AANU U DHIGNO CASHARADII AANU BIXIN JIREY 1977-78.
    Fiiro Gaara:
    JECLIYAA IN LAYS GALO OO AY XABAD TAGTO!!!
    WAAYO?WAXAAN KU KALSOONAHAY WIILKA SOMALIYED OOSITA AK47-ka  OOKA TAYO FIICAN 30 ADOON AH OO SAWAAXILI TAANGI SAARAN AH…(QORIGU MADHACEE QOFKIISAA DHACA).
    MIDA KALE WAXAY SOMALIDU DHAHDAA:
    NIMAAN SHANTAADU KAA REEBIN SHARCI KAAMA REEBO….
    WAAYO?KIINIYA WAABAN KA HARSAN LA’NAHAY IYADOO DAL & DAD HORE KU MAQAN YIHIIM.
    DHILO GARCATAY WASMADA HORE BAY KU BADBAADAY!!.
    WE NEVER FOR GET N.F.D.
    WACADE SOMALI BAAN AQAANAAYOO HADAYSAN KOIINIYA JUQAJUQAYNTA NAGA DHAAFIN WACADE IN NAIROBI LAYSKU WARAYSAN OO QIIQU KA BIXI INTII LAGA QAXO.

  • Abdulqadir Tallman 4 years ago

    Qofkii xoolo daajiya agagaarka seeraha la mamnuucay daaqiddiisa, waxaa looga yaabaa in xoolihiisa ku fakadaan seeraha oo ay daaqaan.
    كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ.
    Farmaajo wuxuu ag daaqayaa seerihii xadiiskan lagu mamnuucay.
    Kenya waxaysan marnaba raalli ka noqoneyn in dawada badda lagu dhammeeyo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (Internationla Court of Justice). Farmaajana waxaa laga saxiixay, afkiisana uu ku qirtay, in dacwadaas laga yeelayo si’ ay labada dal raalli ka yihiin oo aan waxyeelin xiriirka labada dal. Taasi hal micne uun bay yeelan kartaa: waa dacwadii oo laga soo celiyo Maxkamadda ICJ ee Hague.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com