HomeWararka

Wasiir Cawad oo ka hadlay sababta Soomaaliya ula safatay Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Diabdda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee qaraarkii Masar horgeysay Jaamacadda Carabta ka soo baxay

Folkaano iyo Tsunami ku dhufatay dalka Induniisiya oo khasaare badan dhaliyay
Dibad bax looga soo horjeedo maaska ama af xirka Covid-19 oo ka dhacay Magaalada London.
Hoggaamiyeyashii hore ee dalka iyo Siyaasiyiin kale oo shir ku yeeshay Istanbul

Wasiirka Arrimaha Diabdda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee qaraarkii Masar horgeysay Jaamacadda Carabta ka soo baxay ee ku saabsanaa Wabiga Nile.

Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta xubnaha ka ah ayaa taageeray qaraarkaas, hase ahaatee Soomaaliya, Jabuuti iyo Qatar ayaa ka aamusay.

Wasiir Cawad oo la hadlayay Idaacadda BBC ayaa sheegay in Soomaaliya ay labada dalba ay saaxib la yihiin, laakiin ay eegayaan danaha gaarka ah iyo derisnimada kala dhaxeysa Itoobiya.

“Annaga mowqifkeennu oo ay nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Itoobiya iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xireenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sharraxaad ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ku kala dooratay Masar iyo Itoobiya.

“Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaarayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.”

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa socday wadahadallo saddex geesood ah oo lagu doonayay in Masar iyo Itoobiya looga dhex dhaliyo heshiis ku aaddan arrinta ay isku hayaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: