Folkaano iyo Tsunami ku dhufatay dalka Induniisiya oo khasaare badan dhaliyay

Folkaano iyo Tsunami ku dhufatay dalka Induniisiya oo khasaare badan dhaliyay

Ku dhowaad 62 qof ayaa geeriyooday, 584 ayaana ku dhaawacmay kadib markii badgariirka Tsunami ay ku dhufatay xeebaha wadanka Induniisiya marinka Sunda.

Saraakiisha dowladda Induniisiya ee maaraynta masiibooyinka ayaa sheegay boqolaal dhisme inay ku burbureen badgariirkaasi.

Badgariirka ayaa kusoo beegmay xilli Volcano ay ka qaraxday deegaanka Krakatoa  ee Induniisiya, marinkan ayaa ah mid isku xirta jaziiraddaha Java iyo Sumatra iyo badda Java iyo badwaynta Hindiya.

Saraakiisha maaraynta ee gurmadka ayaa ka digaya in khasaaraha dhimashadu ay kordhi karto, waxaana laga cabsi qabaa in waxyeeladu ay intaasi ku badantahay.

Goobaha ilaa iyo hadda lasoo wariyay inay masiibadu wax yeelada ka gaysatay ayaa kala ah Pandeglang, Lampung  iyo gobolada Serang .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com