Wasiir Beyle oo ka hadlay mushkilada dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19

HomeWararka

Wasiir Beyle oo ka hadlay mushkilada dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19

Wasiir Beyle oo dhanka internetka (Video Conference) uga qeybgalayey shir looga hadlayey ka hortaga cudurka COVID-19 iyo Saameynta uu ku yeelan karo D

Waxgaradka Galmudug oo ka digay inu natijo la’aan ku soo dhamaado Shirka dhusamareeb (Daawo)
Toos: Khudbadihii musharaxiinta madaxwaynaha oo kasocda xarunta baarlamaanka (daawo)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Imaaraadka Carabta

Wasiir Beyle oo dhanka internetka (Video Conference) uga qeybgalayey shir looga hadlayey ka hortaga cudurka COVID-19 iyo Saameynta uu ku yeelan karo Dhaqaalaha Gobalka ayuu kaga hadlay xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida uu cudurkaas uu sameyn ugu yeeshay.

Shirkan oo ay shirgudoomineeysay Marwo Kristalina Georgieva oo ah agaasimaha guud ee hay’adda lacagta aduunka ee IMF, qeyb ka ahaayeen Wasiirada Maaliyadda iyo Agaasimayaasha Bangiyada dhaxe ee dalalka Bariga dhaxe, waqooyiga Africa, Afganistaan iyo Bakistaan, kuwaas oo ku mideysan ururka dhaqaalaha ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (MENAP).

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beeyle ayaa qudbad uu ka jeediyey shirkaas waxaa uu tilmaamay saameynta hordhaca ee uu xanuunka COVID_19 ku yeeshay Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Dadaalka dowaladdiisu ay qaaday, si loo badbaadiyo badqabka muwadiniinta, si looga hortago faafintaanka cudurkan.

“Cudurka safmarka ah ee Covid 19 waxa uu Soomaaliya u saameeyay si aan horay loo arag, sida dalalka kale, waxaan wajaheynyaa xaalad aan kala caddeyn, waxaase naga go`an inaan sii wadno iskaashiga dadkeenna, bahwadaagta caalamka iyo Hey’adaha Maaliyadeed ee dunida, si aan u xaqiijino dhimista saameeynta waxyeello ee cudurka COVID-19” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle.

Wasiirka Beyle ayaa sharaxay sida Cudurka u saameey illaha dhaqaallaha dalka oo u xusay hoos u dhaca canshuuraha laga heli jiray furdooyinka dalka iyo wax soosaarka gudaha madaama aaney jirin dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoogan.

Korarka shaqo la’aanta iyo caqabadaha ay xiligan la kulmayaan Xawaaladaha Soomaaliyeed oo ay ku tiirsaneyd nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo kaalmo ka heli jiray ehaladooda ayuu sheegay wasiirku inay qeyb ka tahay Saameynta muuqata ee Soomaaliya kala kulmeyso Xanuunka Covid-19.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay la xaqiijiyey in cudurka Safmareenka ee Covid-19 uu soo galay Soomaaliya ay qaaday talaabooyin ay ku xaqiijineyso badqabka dhaqaale ee muwadininteeda iyadoo raashinka quutul daruuriga u sameysay casnhuur dhaaf, halka qaar kalana si aad ah hoos loogu dhigay canshuurtii laga qaadi jiray.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: