Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo soo saartay amaro is diiwaangelin wariyayaal iyo warbaahineed oo ka weecsan sharciga saxaafadda Puntland.(dhegayso)

HomeWararka

Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo soo saartay amaro is diiwaangelin wariyayaal iyo warbaahineed oo ka weecsan sharciga saxaafadda Puntland.(dhegayso)

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa soo saartay dalabyo quseeya warbaahinta madaxbanaan iyo wariyaasha ka hawlgala Puntland. Amarkaan wasaaradda k

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Itoobiya
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Badhan oo laga hirgaliyeey Suuq Cusub oo loogu magac daray Maandeeq

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa soo saartay dalabyo quseeya warbaahinta madaxbanaan iyo wariyaasha ka hawlgala Puntland.

Amarkaan wasaaradda ka soo baxay oo warsaxaafadeed uu ku faahfaahiyey wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Sabareey, ayaa muujinaya in wariyaasha ka hawlgala Puntland iska diiwaangeliyaan wasaaradda warfaafinta Puntland, qaataanna kaararka aqoonsiga muddo cayiman gudaheed.

Tallaabadaasi ayaa ah mid baalmarsan sharciga saxaafadda Puntland, kaasoo aan siinaynin wasaaradda awoodda ah diiwaangelin wariyaaleed, qiimayn aqoontooda ah, iyo aqoonsi siin toona.

Cabdisalaan Maxamuud Jamac oo ah xeeldheere saxaafadeed, si dhawna ula socda sharciga saxaafadda Puntland oo ah mid ay ansiyeen golayaasha xukuumadda iyo Baaralamaan ee Puntland, kaasoo qeexaya nidaamka diiwaangelinta warfidiyeennada Puntland iyo waddada loo marayo.

Salwe, oo wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir, ayaa sheegay qorshaha wasaaradda warfaafintu soo bandhigtay in uu yahay mid aan wadiiqo sharci ku salaysnayn, ayaan-darrana ku ah aragtida laga qabo Puntland, iyo arrinka madax-bannaani ee warbaahinta.

kuwarbaahineed ee PPuntland, marka hore aan idin maqalsiiyo hadalka wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Sabareey. Waxaana warbixintaan nooga diyaarshay KHadar Cawl Ismaaciil.

Haddaba arriamaan uu ka hadlay wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Sabareey ma yihiin kuwo wasaaradda warfaafinta xaq u leedahay, sharciguna uu fasaxayo, mise ma ahan?

Su’aashasi iyo kuwo kalaba waxaanu waydiinnay Cabdisalaan Maxamuud Jamac Salwe oo xeeldheere dhanka saxaafadda, aadna ugu dhuundaloola shuruucda saxaafadeed ee Puntland, telefonka ayaan ku wareystay isagoo jooga Nairobi, waxaana marka hore aan waydiiyey sid auu u arko arrinka wasaraadda warfaafinta Puntland ka hadashay, wasiir sabareeyna warsaxaafadeedka ku shaaciyey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: