HomeUncategorized

Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha Puntland oo kormeertay shaqaalaha dawladda iyo kuwa madaxbanaan ee magaalada Galkacyo.

Galkacyo, Jan 09 - Xubno ka socda wasaaradda shaqadda,shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland oo kormeer shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay kormeereen xarumaha dowladda ee gobolka Mudug,waxaana kormeerka wasaaradu ku tilmaantay kuwo wasaaradaha isku xiraya.

Issimadii loo xilsaaray dhexdhexaadinta xiisaddii xaafadda Garsoor oo soo gunaanaday hawlahoodii.
RW Cabdiweli ?weerarkii hotel Jaziira wuxuu sii xoojin doono dagaalka lagula jiro Argagixisada?
DHEGEYSO-Islaan Axmed Islaan Maxamuud oo kahadlay xaaladda Puntland.

Galkacyo,Jan 09 -Xubno ka socda wasaarada shaqadda,shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland oo kormeer shaqo ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay kormeereen xarumaha dowladda ee gobolka Mudug,waxaana kormeerka wasaaradu ku tilmaantay kuwo wasaaradaha isku xiraya.

Kormeerka ayaa waxaa uu ahaa mid labo dhinac ah,kaasi oo lagu kormeerayo shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha madaxabanaan ee ka shaqeeya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Agaasimaha shaqo qirista iyo shaqaalaynta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dowladda Puntland Cali Samatar Guhaad oo Radio Daljir u waramay ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda looga baahan yahay taabo galinta habsami u socodka shaqadda dawladda,ayna isku xir wanaagsan yeeshaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradaha Puntland.

Agasimaha shaqo qorista iyo shaqalaha dawladda Puntland ayaa balan qaaday in shaqaalaha dawladu ay heli doonaan tababaro kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo iyo tababaro kale oo ka madax banaan shaqadda oo ay qaadan doonaan.

Agaasimaha shaqo qirista iyo shaqaalaynta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dowladda Puntland Cali Samatar Guhaad waxaa uu tilmaamay in dawladdu ku dadaali doonto inay meelayso xuquuqda shaqaaalaha dawladda si’ay ugu fududaato dhamaystirka shaqadda.

Bashiir Ahmed Abdi
Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: