Wasaaradda waxbarashada Puntland oo sheegtay inay midaynayso dhammaan darayska ardayda wax-ka barata deegaannada Puntland.

Garowe, January, 10 ? Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inay sanadkaan ay midaynayso dhammaan darayska ardayda waxka kabarata dugsiyada ku yaala deegaannada Puntland.

W/kuxiggeenka waxbarashada Puntland Maxamuud Maxamed Idiris oo warasyi siiyay radio Daljir ayaa sheegay inay ku guulasyteen midaynta 12-ka sano ee waxbarashada qaybaha dugsiyada, arrintaasina ku tilmaanay mid dhalisay khilaaf dhanka dugsiyada waxbarashada ah, oo ay jireen dugsiyo ku eg 11 sano oo qura, sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Maxamuud Maxamed Idiris ayaa sheegay in waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Puntland ay ku guulasyteen xogta goobaha waxbarashada Puntland, isla markaana ay kormeer kusameeyeen dhammaan gobollada Puntland goobaha wax ?lagu barto nooc-kasta oo ay yihiin, waxaana wasiirku intaasi uu ku daray inaan Puntland laga furi Karin mac?had ama jaamacad aysan ogayn wasaaradda waxbarashada Puntland.

W/kuxiggeenka waxbarashada Puntland Maxamuud Maxamed Idiris waxaa uu dhinaca kale sheegay in Puntland ay fursado waxbarasho ka heshay dalalka Ethiopia, Sudan, iyo Turkiga , waxaana uu hadalkiisa raaciyay in cadadkii ugu badnaa ay dusha u ridatay dawladda Turkiga oo taariikhda Soomaailya ka gashay baal-dahab ah.

Diiwaanka Wararka
R/Daljir Kooshin.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com