Wasaaradda Qorshaynaynta Puntland oo shaqaalaheeda Tababar u qabatay

HomeWararka

Wasaaradda Qorshaynaynta Puntland oo shaqaalaheeda Tababar u qabatay

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada (Monitoring and Evaluation)

Dowladda Federaalka oo soo saartay qoraal ay kaga hadlayso heshiiskii Dekeda Berbera (Akhriso)
Maamulka Jubaland oo dhaqan celi usamaynaya dhalinyarada ka soo baxda Al-shabaab
CIIDAMADA (PMPF) OO HOWLGAL KA FULIYAY DEEGAANO KATIRSAN GOBOLADA BARI IYO GARDAFUU

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada (Monitoring and Evaluation) u qabatay shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee dawladda u qaabilsan Qiimaynta iyo kormeerrada.

Shaqaalahaan ayaa waxaa lagu tababarayey sida loo isticmaali doono habraacyo la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada ama (M&E Framework) kaas oo dhowaan la dejiyey isla markaana ay ku jiraan shuruuc badan oo barnaamijkaasi la xiriirta.

Qiimaynta iyo kormeerrada mashaariicdu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee tiir dhexaadka u ah taabba-galka dawladdanimada, iyadoo taas laga duulayo ayaa shirka lagu casumey dhmmaan shaqaalaha dawladda khibradda u leh M&E si loo dardar-geliyo shaqada dawladda.

Tababarka ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaan lagu lafo guri doonaa sidii ay shaqaaluhu u noqon lahaayeen kuwo faham buuxa ka haysta buugga habraaca M&E Framework iyo sidii loo isticmaali lahaa loogana faa’iideysan lahaa cilmiga dheeraadka ah ee buuggaasi lagu soo koobay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: