Wasaaradda Maaliyadda DFS oo shir muhiim ah ku qabatay Muqdisho

HomeWararka

Wasaaradda Maaliyadda DFS oo shir muhiim ah ku qabatay Muqdisho

Daah furkaan habka dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2018ka ay dhawaan ansaxiyeen xilidhibanaada Golaha Shacabka ayaa waxaa qeyb ka ah howlaha shaqo ee hor

Shacabka Garoowe oo Ka Hadlay Wasiirada Cusub ee Puntland (dhegayso)
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Daah furkaan habka dhaqan gelinta Miisaaniyadda 2018ka ay dhawaan ansaxiyeen xilidhibanaada Golaha Shacabka ayaa waxaa qeyb ka ah howlaha shaqo ee horyaalo Wasaaradda Maaliyadda sidii ay sare ugu qaadi laheyd dhaqan gelinta howlaha Dowladda horyaala islamarkaane looga qeyb qaato Horumarka dalka, iyadoo habka loo soo bandhigaay dhaqan gelinta Miisaaniyada ay tahay mid ka duwan sanadihi hore

Munaasabadda ayaa waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda,Xisaabiyaha iyo Hanti dhowraha Guud ee Qaranka,Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo Agaasimiyeyaasha waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda,waxayna dhamaantood isku raaceen in si hufan looga wada shaqeeyo horumarka dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeyso Wasaaradaha Dowladda iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa daah furay dhaqan gelinta Miisaaniyada 2018ka ee Dowladda Soomaaliya.

Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Wasaaradaha ay soo xareeyaan macluumaadka Mushaaraadka shaqaalaha Dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: