Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo dhuusomareeb gaaray

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunat gobolka Galgaduud waxaa Maanta gaaray wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Wafdiga gudoomiyaha ayaa siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay,waxaana wafdigiisa qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur taliyihii hore ee Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya Tuuryare iyo Masuuliyiin kale.

Groonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Masuuliyin uu qeyb ka ahaa madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusa Mareeb.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com