Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadda Somaaliya oo Amaro soo saartay (dhegayso)

HomeWararka

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadda Somaaliya oo Amaro soo saartay (dhegayso)

Kulan uu xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirka

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garowe (dhegayso)
Barlamaanka Puntland oo Su’aalo waydiyaay Madaxda Wasaarada Howlaha Guud (dhegayso/Sawiro)

Kulan uu xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya kula qaatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Madaxda Shirkadaha Diyaaradaha ayuu ugu gudbiyay amaro oo ay ay Wasaaradu uga jawaabayso cabashooyinka dadweynaha Soomaaliyeed ee raaca diyaaradaha dalka ka howlgala.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya oo qodobayeey Go’aanada ka soo baxay Wasaaradda ayaa sheegay inaanay aqbaleyn in lagu tunto xaquuqda Rakaabka.

“Si aan uga jawaabno cabashooyinka ka imaanaya dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala diyaaradaha duulimaadka ka sameeya gudaha dalka iyo dibadiisa una ilaalino xaquuqdooda waxaan soo saarnay amaradan” ayuu yiri Wasiirka.

1 Rakaabka Diyaaradaha waddanka gudihiisa ama dibadiisa aadayo Garoonka waa inay soo galaan saddax saac ka hor inta aanay diyaarada kicin.

2 Rakaabka lama soo galin karo garoonka mudda ka badan saddex saacadood inta aanay diyaarada kicin .

3 Diyaarad rakaabkii sugayay oo garoonka joogo lagama kireyn karo qolo kale, iyada oo laga tagayo rakaabkii diyaarada oo ku sugan gudaha garoonka.

4 Dhammaan diyaaradaha waxaa la faraya inay soo gudbiyaan jadwalkooda duulimaadyada ee billa ah.

Wasiir Oomaar ayaa intaa ku daray in la ganaaxi doono shirkadii ka xadgudubto Go’aanada Wasaarada ee lagu ilaalinay xaquuqda dadweynaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: