Wasaaradda Cafimaadka DFS oo faahfaahin kabixisay talaalka cudurka karoonaha ee la geyeey Muqdisho

HomeWararka

Wasaaradda Cafimaadka DFS oo faahfaahin kabixisay talaalka cudurka karoonaha ee la geyeey Muqdisho

Shixnadii u horeysay ee tallaalka COVID-19 ee barnaamijka Covax ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Illaa 300,000 ayaa la sheegay inuu gaarayo t

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee DFS oo xukun ku riday ragii loo heystay dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan (daawo)
Madaxwayne Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniydda dowladda
WAXBARASHADII WAAYIHII KACAANKA, TAN MAANTA & TAN CASRIGA CUSUB

Shixnadii u horeysay ee tallaalka COVID-19 ee barnaamijka Covax ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Illaa 300,000 ayaa la sheegay inuu gaarayo tallaalkan oo loo qeybin doono gobolada dalka.

Sida ay sheegtay dowladda Imaanshaha iyo Hirgelinta Tallaalka Covid-19 Tallaaka COVID ee Oxford/Astraženeca oo ah tiradisa 300,000 waxa uu gaari doonaa shaqaalaha safka hore ah iyo dadka kuwa ugu nugul Mogadishu.

“Dadaallada lagu badbaadinayo dadka Soomaaliyeed xilligan uu jiro cudurka safmareenka ah ee coronavirus (Covid-19) ayaa xoogeystay maanta xilli uu dalka soo gaaray tallaal tiradisu yahay 300,000, looguna talagalay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka kuwa ugu nugul ay xaaladdooda caafimaad liidato sida ay ku taliyeen guddiga qaran ee kahortagga COVID-19 si loo xakameeyo loona yareeyo dhimashadda kadhalatay xanuunka COVID-19” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: