Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya oo la wareegtay diyaarado Helicopter lagu buufiyo Ayaxa (Sawiro)

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya oo la wareegtay diyaarado Helicopter lagu buufiyo Ayaxa (Sawiro)

Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay labo diyaaradood oo qumaatiga u kaca ee Helicopters, kaasoo ay ku deeqday dowladda Canada.

Diyaaradahan ayaa loogu tala galay in looga qeyb qaato howlgal Hawada looga buuxinayo Ayaxa, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay fara ba’an ku hayay Gobolada dalka Soomaaliya.

Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Hey’adda FAO iyo USAID, waxaana diyaaradahan ay ka howlgeli doonaan Somaliland, Puntland, Galmudug oo ay dhinaca hawada ka buufin doonaan.

Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com