Wasaaradda Arrimaha Dibbada DFS oo Xaqiijisay  in Farmaajo uu ka dalbaday dhexdhexaadin Madaxweynaha Congo

HomeWararka

Wasaaradda Arrimaha Dibbada DFS oo Xaqiijisay in Farmaajo uu ka dalbaday dhexdhexaadin Madaxweynaha Congo

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Waqtigiisu uu dhamaaday ee Farmaajo uu doonayo in M

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Hadlay Dhismaha Ciidanka Badda (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Axmed Sheekh Maxamed ‘Tallman’, Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo aqbalay inay doorashadda Galmudug dhacdo

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Waqtigiisu uu dhamaaday ee Farmaajo uu doonayo in Midowga Afrika dhexdhexaadin ka sameyo dowladda iyo saamilayda siyaasadda.

Twitterka Wasaaradd Arimaha dibadda lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu soo dhaweynaayo doorka fududayn ee Midowga Afrika.

Sidoo kale Madaxtooyada DR Congo ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday Madaxweynaha Congo ahna madaxa Midowga Afrika inuu ka qeyb qaato dhex dhexaadinta Saamileyda siyaasadda ee ku lugta leh xaalada cakiran ee Soomaaliya.

lama oga isbedelka ku yimid mowqifka Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka, hase yeeshee waxaa shaki weyn dhaliyay booqasahada degdegga ah ee uu ugu ambabaxay magaalada Kinshasa ee caasimada dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo.

Hase ahaatee waxaa jira cadaadis xoog leh oo ay saarayaan beesha caalamka Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday ee Farmaajo iyadoo si weyn uga so horjeestey muddo kordhinta ee golaha shacabka dhowaan u sameeyay Madaxweynaha xilligiisa dhamaaday.

Hoos ka akhri Qoraalka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: