Wasaaradaha Arrimha gudaha iyo Maareynta Musiiboyinka oo isku haya maamulka gargaar Imaaraadku siiyey Soomaaliya!

Wasaaradaha Arrimha gudaha iyo Maareynta Musiiboyinka oo isku haya maamulka gargaar Imaaraadku siiyey Soomaaliya!

Khilaaf ku saabsan maamulka gargaar bani’aadminimo oo dowladda Imaaraadka Carabtu ugu deeqday Soomaaliya una dhexeeya Wasaaradaha cusub ee Arrimaha gudaha iyo Maareynta Musiiboyinka ayaa sababay in dekedda Muqdisho laga saari waayo Kunteenarro gargaar ah oo loogu talagalay dadka abaarta ka taagan dalku saameysay.

Soo saaridda iyo la wareegidda gargaarka oo ahayd in ay dhacdo Todobaadkii hore ayaa suurageli weyday kaddib muranka ku saabsan cidda soosaareysa islamarkaana maamuleysa kaas oo dhexeeyey Wasaaradaha Arrimha gudaha iyo Maareynta Musiiboyinku.

Ra’isalwasaare Xamza Cadbi Barre oo uu gaaray muranka ku saabsan maamulka gargaarka ee u dhexeeye labada Wasaaradood ayaa kuwargeliyey Wasaaradaha in midkoodna uusan tegein dekedda islamarkaana inta xal laga gaarayo gargaarku ku sii jiro Dekedda.

Wasaaradda Degaanka, Isbadalka Cimilada, Maareynta Musiiboyinka & Dhirta ayaa ah Wasaarad cusub oo ka looban laamo laga soo gooyey Wasaaraddii Maareynta Musiibooyinka, Xafiiska Ra’isalwasaaraaha iyo Wasaaraddii dhirta iyo Daaqa

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com