Wareysi: Diiriye Maxamed Shiren ‘Afleyr’ oo ka buskooday xanuunka Covid19 (dhegayso)

Wareysi: Diiriye Maxamed Shiren ‘Afleyr’ oo ka buskooday xanuunka Covid19 (dhegayso)

Diiriye Maxamed Shire ‘Afleyr’ waa 70 jir Soomaali ah oo deggan dalka Marakaynka, gaar ahaanna gobolka Colorado, waxaana dhawaana helaalay ama ku dhacay xanuunka Corona Virus ama COVID19, kaasoo dunida oo dhan haatan faro ba’an ku haya.

Inkasta oo Diiriye Maxamed Shire ‘Afleyr’ muddo todobaaddo ah uu la xanuunsanaa COVID19, misna haatan waa uu ka soo kabsaday, waana uu caafimaad qabaa, balse weli looma xaqiijin in uu haatan bulshada la tacaamuli karo, ama uusan gudbinayn xanuunka, waana xaafad joog illaa hadda.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir, wuxuu noogu sheegay muddo Asbuuc ka badan in uu xanuusanaa oo uusan isbitaal tagin, balse markii dambe uu aaday goob caafimaad, laguna sheegay xanuunka.

Muddadii uu xanuusanaa Diiriye Maxamed Shire ‘Afleyr, sida uu xaqiijiyey wuxuu adeegsanayey waxyaabo dabiici ah, iskuna jira cunto iyo duwooyin, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed uu u soo jeediyey in ay u dhego-nuglaadaan talooyinka caafimaad ee dhakhaatiirta.

Hoos ka dhegayso Waraysiga.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com