Wareysi Ayeeyada Gabar Lagu Kufsaday Garacad oo Daljir la Hadashay (dhegayso)

HomeWararka

Wareysi Ayeeyada Gabar Lagu Kufsaday Garacad oo Daljir la Hadashay (dhegayso)

Bishii aynu soo dhaafnay ee November ee sannadkaan 2017, Tuulo xeebeedka Garacad oo ka tisan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay fal ku

Siyaasi Faarax Cali Shire oo akhriyeey Warmurtiyeedka Mucaaradka Puntland
Shil Keenay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Dhexaadka Dangorayo iyo Garoowe
DFS oo Ansixisay Heshiiska Cusub ee dowladdu la Gashay Shirkadda Favori iyo Labo Hindise Sharciyeed

Bishii aynu soo dhaafnay ee November ee sannadkaan 2017, Tuulo xeebeedka Garacad oo ka tisan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay fal kufsi-wadareed ah oo loo geystay gabar da’yar ah oo deegaanka ka soo jeedda, taasoo la tilmaamayo in ay ahayd naafo xagga dhimirka ah.

Kufsigaasi oo ah mid caro badani ay ka dhalatay ayaa lagu eedaynayaa in ay geysteen askar ka tirsan ciidanka Puntland, siiba kuwa illaalada badaha ee loo yaqaanno PMPF, kuwaasi oo fariisimo saldhig ku leh meelo badan oo xeebaha Puntland ah, aynaku jirto Garacad oo ah meesha falkaan kufsiga ahi uu ka dhacay.

Ilo-wareed oo ay ku jiraan ehelada gabadha falka kufsi ku dhacay ayaa noo xaqiijiyey tiro ka mid ah ciidanka loo tirinayo in ay geystaan kufsi-wadareedka in loo xiray arrinkaas dartiis, inkasta oo aan weli la soo horjoojin maxkamad caddaaladeed oo la xiriirta joorfalka haweeneed ee loo haysto.

Khadiiijo Kaarshe Ciiraale waa Ayeeyada gabadha falka kufsi loo geystay, waxayna kunoolayd, kuna soo barbaartay gabadhu isla gurigaasi Ayeeydeed, kaasoo ay ku sugnayd illaa yaraanteedii waa gabadhee.

Ayeeyo Khadiijo , waxay Radio Daljir uga warrantay falkaasi lagula kacay gabadheeda, iyadoo noo sheegtay haatan gabadhii in lagu hayo magaalada Galkacyo oo xaalad caafimaad loo geeyey, ayna ka xuntahay tallaabada gurracan ee loo geystay gabadheeda.

Cabdifitaax Cumar Geeddi ayay uga warrantay sida wax u dhaceen

COMMENTS

WORDPRESS: 5
  • mucjiso weeye

  • shrf dhacweeye

  • O cidanii miyaba waydan far so dheraray noqday o gabdhaha laga celin layahy waxas waxa ka danbeya wa cadalad darada ka jirta somaliya

  • Habib 6 years ago

    Runtii waa arin laga naxo haday jirto waayo waana sharaf dhac wayn xaga ciidanka waana in tillaabo laga qaadaa.

  • Ciidamada puntland dhaqan celis ayay ubaahanyihiin lagumana aamini kawar wadan sharaf ciidana malaha waxayna kucaanbaxeen kufsiga iyo fara xumaynta gabdhaha soomaaliyeed

DISQUS: