Wararkii ugu Dambeyeey ee Shirka Maamul Gobaleedyada & DFS

HomeWararka

Wararkii ugu Dambeyeey ee Shirka Maamul Gobaleedyada & DFS

Waxaa wali ka socda Magaaladda Muqdisho shirkii u dhaxeyeey Madaxda Dowlad gobaleedyada iyo DFS, kaas oo galay maalintii labaad. Shirkan ka socda Xera

Afhayeenka Issimadda Puntland oo ka hadlay Khilaafka Imaradka iyo Somaaliya (dhegayso)
Madaxda ugu saraysa Dalka oo Muqdisho ku laabtay (dhegayso)
Madaxweynaha xilka kaso dagaya Cabdiweli Gaas oo la kulmay Guddoonka Cusub ee Barlamanka PL

Waxaa wali ka socda Magaaladda Muqdisho shirkii u dhaxeyeey Madaxda Dowlad gobaleedyada iyo DFS, kaas oo galay maalintii labaad. Shirkan ka socda Xeradda Ciidamada Cirka ee Afisiyoone ayaa looga hadlaya Arrimaha doorashooyinka dalka iyo Caqabadaha ku xeeran.

Madaxda Maamul gobaleedyadda Puntland, jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Hiirshabeele ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Madaxda Madasha Badbaado Qaran ee Mucaaradka.

Kulamadan ayaa looga hadlayey sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka iyado kulamada qayb ay ka ahayeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland.

Illaa iyo hadda lama oga xal laga gaaray arrimaha doorashooyinka, iyadoo wali uu jiro khilaafka Barlamaanka waqtigiisu dhammaaday, Guddoomiyaha Barlamaankuna uu kulamadii ka joojiyeey 15 xildhibaan. Xildhibaanada ayaa maanta sheegay in ay xaadiri donaan kulanka berrito oo isniin ah loo madalsanyahay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: