Madaxweynaha xilka kaso dagaya Cabdiweli Gaas oo la kulmay Guddoonka Cusub ee Barlamanka PL

Madaxweynaha xilka kaso dagaya Cabdiweli Gaas oo la kulmay Guddoonka Cusub ee Barlamanka PL

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 5 January 2019 qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Kulanka uu Madaxwenaha Puntland la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame waxaa ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa marlabaad ugu hambalyeey gudoonka cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland guusha ay gaareen, isla’markaana xusey in Puntland ay gaartay bisayl siyaasadeed ayna mudan tahay in looga daydo sida hofnaantale ee ay u qabsoontay doorshada Gudoonka Golaha wakiillada.

Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadnaqay hambalyada, dhiirigelinta iyo dedaalka uu ugu jiro qabsoomidda doorashada Puntland, waxaana ay xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay gudoonka cusub ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland in ay ku shaqeeyaan cadaalad iyo hufnaan maadaama ay yihiin indhihii ay fiirsanayeen shacab Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland u sheegay in Puntland ku jirto maalmo taariikhi ah, Isla’ markaana ay mudan tahay in maalmahaasi laga ilaaliyo wax kasta oo carqaladaynaya, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Puntland in ay ka feejignaadaan dhagarkasta oo ay cadawgoodu maleegi karaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com