Wararkii ugu dambeyeey ee Itoobiya & Milateriga Itoobiya oo sheegtay Guulo waaweyn

HomeWararka

Wararkii ugu dambeyeey ee Itoobiya & Milateriga Itoobiya oo sheegtay Guulo waaweyn

Milateriga Itoobiya ayaa shaaciyay inay la wareegeen magaalooyin dhowr ah oo ku dhow Caasimadda Gobolka Tigray ee Mekelle. Afhayeen u hadlay Ciida

Gaagaab, “Canshuurtu Waa Tiir Dowladnimada Kamid ah Reer Puntland waa in ay Bixiyaan” (dhegayso)
Khudbadda Musharax Madaxweyne Asad Cismaan Diyaano
Madaweyne Deni oo xeerilaalinta Puntland ka codsadayin ay la noqdaan dacwada xasaanad ka qaadida xildhibaan Cawil Xasan Daad

Milateriga Itoobiya ayaa shaaciyay inay la wareegeen magaalooyin dhowr ah oo ku dhow Caasimadda Gobolka Tigray ee Mekelle.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Milateriga Itoobiya ayaa sheegay inay la wareegeen magaalada Wikro iyo magaalooyin kale oo ku teedsan magaalada Mekelle.

Milateriga Itoobiya ayaa qaaday weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah maleeshiyada Tigray, waxaana ay qorsheynayaan inay qabsadaan magaalada Mekelle.

Dagaalada ka socda Gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kalena ku barakceen.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku gacan seyray qorshe ay wadeen Ergo ka socota Midowga Afrika oo Madaxweynayaal hore ahaa oo doonayay inay dhex dhexaadiyaan Tigray iyo dowladda Itoobiya.

Magaalada Mekelle oo ay hadda ku socda howlgalkii u dambeeyay ayaa waxaa ku nool illaa 500,000 oo qof, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka lagu qaaday uu waxyeelo soo gaarsiiyo shacabka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: