Madaweyne Deni oo xeerilaalinta Puntland ka codsadayin ay la noqdaan dacwada xasaanad ka qaadida xildhibaan Cawil Xasan Daad

Madaweyne Deni oo xeerilaalinta Puntland ka codsadayin ay la noqdaan dacwada xasaanad ka qaadida xildhibaan Cawil Xasan Daad

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda Puntland ayaa kulan kula qaatay  degmada Qardho madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanadan ayaa saaka ka  soo ambabaxay  magaalada Garoowe waxayna madaxweynaha u sheegeen in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

mudaneyaasha ka tirsan baarlamaanka waxay madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ay ahayd wax aan u qalmin dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey.

Xildhibaanada ayaa  madaxweynaha ka codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo ay  Xeer illaalintu’na ka laalabato dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay mudaneyaasha baarlamaanka ee magaalada  Qardho ugu yimi arrintan darteed ayaa waxa uu ka  aqbalay codsiga ay u soo jeediyeen.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com