Wararkii ugu dambeyeey ee Cudurka COVID-19 & Caalamka

Wararkii ugu dambeyeey ee Cudurka COVID-19 & Caalamka

Pakistan ayaa ku warrantay 153 dhimasho oo diiwaangelin cusub maalinle ah oo ku saabsan dhimashada coronavirus iyadoo caabuqa ka jira waddanka Koonfur Aasiya uu sii kordhayay.

Dalka Baraasiil wuxuu noqday dalka labaad ee ugu badan ee dhimashada coronavirus ee dunida iyadoo ay ku dhinteen 50,000, waxaa uu ka sara maray tirada dhimashada Boqortooyada Ingiriiska.

Guud ahaan Cudurka ayaa ku dhacay dalkaasi 1 Milyan oo qof oo ku sugan dhammaan gobolada dalka Baraasiil.

Shirkad Jarmal ah oo laga leeyahay CileVac ayaa laga bilaabay tijaabada talaalka Cudurka Corona virus.

Ruushka ayaa soo sheegay 7,889 kiisaska cusub ee coronavirus tirada guud ahaan dalkaas ayaa noqotay 576,952 tan iyo markii uu bilowday.

In kabadan 458,000 oo qof ayaa u dhintey cudurka Coronavirus, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkin.

Ugu yaraan 8.6 milyan oo qof ayaa la xaqiijiyey in ay qabaan cudurka ‘coronavirus’ adduunka oo in kabadan 4.2 milyan ayaa soo kabsaday.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com