HomeUncategorized

Wararkii ugu dambeeyey ee deegaamadii lagu dagaalamay ee Sanaag iyo Haylaan.

Badhan, July 19 2016--Xaaladda deegaamadii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ee gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta degan kadib dagaaladii shalay kadhacay.

Agaasimayaal loo magaacabay afar ka mida guddoonnada waxbarashada Puntland.
Dawladda Puntland oo sharraxaad dheer ka bixisay shixnadda gargaar ee uu wado markab ku soo xirtay dekedda Bossaso.
RW Cumar oo BankiMoon kul Shiray New York

Badhan, July 19 2016–Xaaladda deegaamadii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ee gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta degan kadib dagaaladii shalay kadhacay.

Ilo wareedyo kusugan goobihii lagu dagaalamay oo lahadlay Daljir ayaa xaqiijiyey in maanta xaaladdu ka degan tahay sidii hore aysana dhicin wax dagaalo ah, inkasta oo labada ciidan goboladaasi ku wada sugan yihiin.

Dowladda Puntland iyo maamulka Soomaaliland ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay, waxaana dhinac walba sheegay inuu gubey gaadiid dagaal qabsadayna hub iyo gaadiid.

Soomaaliland ayaa gobolada Sanaag iyo Haylaan usoo tirtay ciidamo badan si ay u ilaaliyaan sanaadiiqda codbixinta maamulkaasi maadaama shacabka goboladaasi ay kasoo horjeedaan.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: