HomeUncategorized

Agaasimayaal loo magaacabay afar ka mida guddoonnada waxbarashada Puntland.

Garowe, Mar 03 - Kulan ay maanta xarunta wasaaradda waxbarashada ee Puntland ku yeesheen agaasime waaxeedyada wasaarada

Guddiga beelaha Bari iyo sanaag oo taageeray guddiga xalinta ee musharixiinta keeneen (Dhegeyso)
Dhagayso Saakay iyo Dunida 05 – April – 2016 – Wariye Maxamed Cabdullahi Cali Kooshin (Daljir Garowe)
Golaha guurtida deegaanada Ximan iyo Xeeb oo soo saaray Go’aano ka dhan ah Hay’adda WFP

Garowe, Mar 03 – Kulan ay maanta xarunta wasaaradda waxbarashada ee Puntland ku yeesheen .agaasime waaxeedyada wasaaraddaas ayaa lagu magacaabay guddoomiyeyaal wasaaraddaas u qaabilsanaanaya afar ka mid ah gobollada Puntland, taasoo lagu macneeyey tayayn ay wasaaraddu ku samaynayso waxbarashada ardayda ee gobollada Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ee Puntland Maxamuud C/raxmaan Cuuwke oo kulanka maanta u qabtay agaasime-waaxeedyada wasaaradda waxbarashada ayaa sheegey in afarta guddoomiye ee waxbarashada gobollada ay dhawaan shaqadooda bilaabi doonaan, sidoo kale waxaa la magacaabay guddoomiyaha waxbarashada ee degmada Boosaaso.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:

– Mahdi Maxamed Muuse, guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Bari,
– Xasan C/hi Cimi (Xasan Birimo) guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Nugaal,
– Bashiir Axmed Khalaf, guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Mudug,
– Bashiir Axmed Yuusuf, guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Karkar,
– Sahal Maxamed Gacayte, guddoomiyaha waxbarashada ee degmada Boosaaso.

Maxamuud C/raxmaan Cuuwke, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ee Puntland, ayaa sheegey in guddoomiyeyaashii waxbarasho ee xilalkan hayay mansabyo kale oo isla wasaaradda ah loo dallacsiiyay.

Tallaabadan ay wasaaradda waxbarashada Puntland guddoomiyeyaasha cusub ugu magacawday guddoonnada waxbarashada gobollada ayaa lagu rajo waynyahay in ay wax wayn ku soo kordhin doonto tayada waxbarashada ardayda Puntland.

C/wali Maxamed Sheekh
Daljir, Garowe http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: