Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud

Dagaal muddo kooban socday ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay iyo Al-Shabaab tuulooyinka u dhow degaanka Wabxo oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka ay weerareen degaannada u dow degaanka Wabxo oo muddo badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab, waxaana Ciidamada u suurto gashay inay qabsadaan degaannada u dhow degaanka Wabxo, sida degaanka Ceelgorof iyo degaano kale.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo kamid ah Xildhibaannada hoggaaminaya dagaalka iyo Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ku harereysan yihiin degaanka Wabxo oo uu sheegay inay Al-Shabaab miinooyin ku aaseen waddooyinka, isla markaana Maanta ay gudaha u galayaan.

Degaannada u dhow degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka waxa ay ka weerareen dhowr jiho, waxaana badi dadkii deganaa ay horay uga barakaceen, iyaga oo ka cabsi qabay inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com