Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka Masjid Cali Gaduud & duqeymo ka dhacay

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka Masjid Cali Gaduud & duqeymo ka dhacay

Xaalad aan caga badan ku taagneyn ayaa weli kajirta degaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku hardamayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka degaanka iyo Al-Shabaab.

Tiro dhowr jeer ah ayay dhinacyadu ku dagaalameen degaanka Masaajiid Cali Gaduud , halkaas oo weli la sheegayo in dhinacyadu ay banaanka magaalada ka kala joogaan.

Diyaaradaha dowladda turkiga ayaa la sheegay in maalintii labaad oo xiriir ah ay duqeymo la beegsanayaan fariisimaha ururka Al-Shabaab ee degaanka Masaajid Cali gaduud iyo degaannada ku dhow dhow kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay qoteen godad waaweyn oo difaacyo u ah.

Warar kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay saaka isaga baxeen degaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay dhinac ka joogeen, isla markaana ay degaanka kaabiga ku hayaan Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo doonaya inay guud ahaan degaanka la wareegaan.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa waxaa uu qaatay saacado badan, iyada oo dhinacyada dowladda Soomaaliya & Al-Sh

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com