Wararkii ugu dambeeyay howlgallo ka socda degaanka Wabxo

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay howlgallo ka socda degaanka Wabxo

Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay oo dhawaan Al-Shabaab kala wareegay degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka halkaasi ka

Idris Elba iyo Sabrina Dhowre oo taagero u raadinaya dalal ay Soomaaliya ku jirto
Madaxweynaha Puntland oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska Somaliyeed
Jubbaland oo Qaadacday Saami Qaybsiga Khayraadka Soomaaliya (akhriso)

Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay oo dhawaan Al-Shabaab kala wareegay degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka halkaasi ka wada howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Ciidamada oo isku fidiyay Xaafadaha iyo daafaha degaanka Wabxo ayaa wada baaritaano la xiriira soo saarista miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen ka hor inta sayn ka biixn degaanka.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inay ka go’an tahay in degaannada kale ee hoostaga degmada Ceelbuur ka saaraan Al-Shabaab oo muddo ka badan 10 sano ay maamulayaan.

Howlgallada oo todobaadkaan ka bilaawday gobolka Gedo ayaa waxaa horkacaya Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana uu Warbaahinta u sheegay in dagaalladii ay la galeen Al-Shabaab ay Xubno badan uga dileen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: