Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Laascaanod & Dibadbaxyo ka dhacay

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Laascaanod & Dibadbaxyo ka dhacay

Magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka kunool Magaaladaas.

Banaanbaxan ayaa ahaa mid looga soo horjeeday maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana intiisa badan dhigayay dad u badan dhalinyarada Magaalada.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ka dhan ah Maamulka Somaliland, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan dilal ka dhacay Magaalada laascaanood oo qaarkood ay ku lug leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Dad ku sugan Magaalada laascaanood ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in rasaastii ay fureen ciidamad dad shacb ah ku dhaawacmeen.

laamaha Amniga Magaalada laascaanood ee Somaliland ayaan weli ka hadlin banaanbaxaasi rabshadaha watay, wuxuuna kusoo beegmay xilli dhawaan Somaliland Magaalada ay si sharcidaro ah uga masaafurisay kumanaan Ruux oo degaan ahaan kasoo jeeda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com