Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Guriceel & Dadka oo magaalada isga barakacay

HomeWararka

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Guriceel & Dadka oo magaalada isga barakacay

Wararka naga soo garaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maanta cabsi xoogan laga qabo dagaal dhaxmara Ciidamada DFS kuwa Galmudug oo isku dhinac a

Madaxweye Kuxigeenka Puntland oo Xafiiska ku Qaabilay Madaxa UNOCHA Puntland
Guddiga doorashooyinka Puntand oo soo bandhigay 5 Urur siyaasadeed oo iswaangaliyaay (dhegayso)
Wasiirada Jubbaland oo Ansixiyay Miisaaniyada Sanadka 2018,Kana Hadlay Cayaaraha Maamul gobaleedyada (Sawiro)

Wararka naga soo garaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maanta cabsi xoogan laga qabo dagaal dhaxmara Ciidamada DFS kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ahlusunna oo gacanta ku haysa Guriceel.

Inta badan dadkii ku noolaa degmada Guriceel ayaa ka barakacay, iyaga oo aaday degaano kale oo u dhow Guriceel si ay uga badbaadaan hadii u dhaco dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga shalay ilaa iyo maanta, iyadoo ganacsatada ay cab si qaka qabaan dagaal ka dhaca magaalada.

Ciidamada Ahlusunna ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo waxaa ay ka wadaan Gudaha iyo daafaha degmada Guriceel si ay isaga difaacaan Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug hadii ay soo weeraraan.

Dadkii ka barakacay Guriceel ayaa ku sugan duleedka degmadaas, kuwaas oo la sheegayo inay dhibaatooyin kala duwan ku heysato halkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: