WARARKII UGU DAMBEEYAY EE XAALADA COVID-19 PUNTLAND (Akhriso)

HomeWararka

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE XAALADA COVID-19 PUNTLAND (Akhriso)

Garowe- 15/02/2021:- Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay xaalada Covid19 ee Soomaliya si gaar a

Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay doorashooyinkii kadhacay Somaliland (dhegayso)
BADHAN: DHOOLATUSKA CIIDAMADA LIBSIDE & LUGTOODII BADHTAMAHA BADHAN

Garowe- 15/02/2021:- Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga warbixiyay xaalada Covid19 ee Soomaliya si gaar ah Puntland.

“Wasiirka ayaa bulshada soomaliyeed iyo kuwa reer Puntland xasuusiyay in xanuunka uu wali si xoogan uga jiro aduunka ayna socdaad dadaalo looga hortagayo oo ay ugu horayso talaalo la soo saaray iyo taxadar badan oo aad ogtihiin wadamada qaar inay mamnuuceen dadka dalalka xanuunku ku badanyahay ka imaanayaan.”

“Hadaan usoo laabto Soomaliya xanuunku waxa uu markasta ahaa mid marna kacaya marna hoos udhacaya, waxaana maalmihii udanbeeyay soo baxayay in dalka uu koror jiro sida dawlada federaalka ay soo saartay balse dhanka Puntland wali waxaan isleeyahay kor ukac aan badnayn ayaa jira 2 todobaad ee la soo dhaafay waxaa la baaray 639 qof waxaana xanuunka laga helay ilaa 22 qof taasoo marka boqolay laga dhigo noqonaysa 3.4% taas oo sare ukac yar uu jiro marka loo eego bilihii la soo dhaafay.”

Wasiirka ayaa ugu danbeyn ku booriyay dadka wadanka imaanaya ee ka imaanaya dalalka Yurub ama America ee xanuunku ku badanyahay iyadoo lagu jiro xiliga qaboobaha ah, inay safarada aan muhiimka ahayn aysan dalka u imaan, hadii ay yimaadaana 2 todobaad ee ugu horeeya ay ku jiraan guryahooda.”

“Wasiirka ayaa ugu danbeyn sheegay in dhawaan dalka uu soo gaari doono talaalka xanuunka Covid19 kaasoo oo lagu wado in hay’adda caafimaadka aduunka ay soo gaarsiiso, waxaa lagu wadaa in la keeno 1,2000 oo xabo kaas oo dalka oo dhan loogu talagalay marka si loo eego waa tiro kooban, waxaana ugu horayn lagu bilaabi doonaa dadka caafimaadka ka shaqeeya, dadka waayeelka ah ee da’doodu ka weyntahay 65 sano iyo dadka xaaladaha xanuunada kale leh sida (Neefta, Macaanka iyo Dhiikarka), nooca talaalka ee la inoo keenayo ayaa midka ugu sareeya Aztra zeneca/Oxfoord.”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: