War saxaafadeed shirkii Khamiis laha ee golaha xukuumadda Dawladda Puntland

HomeWararka

War saxaafadeed shirkii Khamiis laha ee golaha xukuumadda Dawladda Puntland

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay

FAAFAAHIN DHEERI AH OO KASOO BAXEYSA QARAX KA DHACEY MUQDISHO
Warka Fiidnimo, Cabdishakuur Sunni Gaagaab, Daljir Garoowe (dhegayso)
Baladweyne: Ciidamo tababar lo soo xiray

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha kala ah amniga dalka, xeerka guddiga shaqaalaha rayidka, xeerka ganacsiga Puntland, xeerka joojinta gudniinka fircooniga, xeerka biyaha Puntland iyo warbixino kale.

Xaaladda Amniga Dalka: 

Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in guud ahaan xaalada amniga ee dalku degan tahay, waxayna golahu bogaadiyeen howl galada dalka ka socda ee lagu raacdaysanayo qaswadaayasha iyo feejignaanta ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dawladda Puntland oo muhiimad gooniya siiyey xoreynta iyo difaaca dalka ayaa faray shacabku inay gacan siiyaan ciidamada howl galada kawada xuduudaha iyo magaalooyinka waaweyn, waxayna uga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta cidkastoo damaacida wax yeelaynta nabada iyo xasiloonida Puntland.

Ansixin Xeerar:  

Golaha xukuumada Dawlada Puntland ayaa dood dheer Kadib ansixiyey Xeerka Guddiga shaqaalaha rayidka, xeerka Ganacsiga Puntland, xeerka joojinta gudniinka fircooniga ah iyo xeerka Biyaha Puntland, xeerarkaan oo dalku baahiweyn u qabo ayaa qeexaya taabagalinta nidaamka caddaaladda dalka, hormarinta ganacsiga, joojinta caada-dhaqameedka aan raadka lahayn ee gudniinka fircooniga iyo helida adeegyo tayo sare leh, waxayna golaha oo ka duulaya dar dargelinta howlaha shaqo ee dalka cod buuxa ku meel mariyeen dhammaan xeerarkaan.

Warbixino:  

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhagaystay Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo ka war bixisay geedi socodka arimaha dastuurka iyo federalismka, waxayna wasaaraddu sheegtay in siday wax u socdaan ay baal marsan tahay guud ahaan Shuruucda dalka.

                                                =DHAMMAAD=

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: