War-Murtiyeedka Shirka Wasiirka Awqaafta iyo Culimada Soomaaliyeed

HomeWararka

War-Murtiyeedka Shirka Wasiirka Awqaafta iyo Culimada Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa ka wada h

Barnaamijka Muuqaalka Bulshada, Xanuunada ka dhasha caagadaha lagu shubto Caanaha
Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu wado iany kulan ka yeeshaan Xaaladda Abaarta ka sii dareysa ee Soomaaliya.
Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si weyn loogu soo dhaweeyey Bosaso (Sawiro)

Wasiirka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta kulmay ayaa ka wada hadlay dardar gelinta dadaallada lagula tacaalayo cudurka CoronaVirus / COVID19.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiinta wasaaradda, mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisulwasaaraha XFS, dhaqaatiir Iyo hay’adaha Amniga.

Waxaa la isla gorfeeyay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo faafitaanka cudurkan safmarka ah ee ku soo kordhay dalkeenna.

Dood iyo aragti is-dhaafsi ka dib waxaa wasaaradda iyo culimadu isla garteen:

1. In Culimada oo ka mid ah dadka ay bulshadu dhageysato ay kaalin weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan cudurkan khatarta ah ee Covid19.

2. In la dhiso guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo caawinta qeybaha nugul ee bulshada oo uu saameynta nololeed ku yeelanayo cudurkan Coronavirus, maadaama ay nagu soo aaddan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

3. Guddi ka kooban Dowladda, khubarada caafimaadka iyo culimada ayaa qiimeyn doona oo go’aan ka gaari doona waxa laga yeelayo arrinta masaajidda kadib marka cilmi baaris diini iyo mid caafimaad ah la sameeyo.

4. Waxaa mar kale la farayaa ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan sare u qaadin qiimaha waxyaabaha daruuriga u ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, culimadana wacyigalin ka sameyso, hay’adaha dowladda ee arrintu khuseysana tallaabada ku habboon ka qaadaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0