War-Murtiyeed ka soo baxay Beelaha Warsangeli, Cumar

War-Murtiyeed ka soo baxay Beelaha  Warsangeli, Cumar

War-Murtiyeed ka soo baxay Beelaha Warsangeli, Cumar.
Ku: Guddiga Doorashooyinka heer Federaal
Ku: Guddiga Doorashooyinka heer dawlad gobaleed- Puntlnad
Ku: Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya.
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladda Puntland
Og: Madaxwaynaha Dawlada Puntlnad:

Beelaha Warsangeli gar ahaan Cumar iyo saami wadaagtooda oo dega Gobolada Sanaag, Hayland iyo Bari ayaa shir wada tashi ah ku yeeshay Magaalada Garowe shirkaas oo socday 25 ilaa 30 -08-2021. Shirka waxaa ka soo qayb galay Nabadoonada , waxgaradka, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo sayaasiyiinta beelaha .

Shirkan oo gogol xaar u ah shirar badan oo ay beeluhu yeelan doonaan, loogana tashanaayo arrimaha doorashooyin ee ka bilaamay Dalka, gaar ahaan Puntland.
Falanqayn iyo wada xaajood dheer ka dib waxay beeluhu soo saareen war mutiyeedkaan hoos ku xusan:

1. Ugu horayn waxay beeluhu tageero mug leh u muujiyeen habricii ay sida wada jirka ah u wada saxiixdeen Golaha wada-tashiga qaranka, kaas oo awoodda u celinayey Nabadoonada dhaqanka ee beelaha kuraastu ka dhexayso.

2. Beeluhu waxay cadaynayaan in kuraasta golaha shacabka DFS ee ka dhexeeya beelaha cumar iyo saami wadaagtooda ee Warsangali oo lagu dooran doono Magaalooyinka Boosaaso iyo Kismaayo aanay cidi gaar u lahayn, si gaar ahna loogu xiri karin jifo ka mid ah beelaha kuraasta wadaaga.
3. Beeluhu waxay nasiib darro ku tilmaameen in kuraastaas aan marnaba loo maamulin qaab cadaalad iyo sami wadaag ah, iyagoo mar kasta si bareer ah loogu tagri falayey labadii doorasho ee ugu danbaysay ee barlamanka DFS.

4. Waxay beeluhu garwaaqsan yihiin in siddeedii sanadood ee ugu danbaysey ay kuraastaas ku fadhiyeen beelo gaar ah, sidaas darteed aanay caddaalad ahayn in mar saddexaad isla iyagii lagu celiyo,taas oo hadday dhacdo ka hor imaanaysa wada jirka iyo wax wada lahaanshiyaha beelaha kuraasta wadaaga.

5. Beeluhu waxay ku war-galinayaan Dawladaha Puntland iyo Jubbaland , Guddiyada dooroshooyinka ee heer dawlad goboleed iyo heer federaal, Beesha caalamka, isimada iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada in aan la qaban doorasho aan heshiis lagu ahayn kuna salaysan cadaalad darro, sad bursi, boob iyo musuqmaasuq . Waxay kaloo Beelahu cadaynayaan in aanay marna aqbalayn in cid ay si gaar ah u maamusho kuraasta beelahan ka dhaxeeya.

6. Shirku wuxuu ku baaqayaa shir wayne guud oo beeluhu isugu yimaadaan degaanka, si looga wada arrinsado saami-qaybsiga iyo soo xulista ergooyinka dooran doona xubnaha Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku matali doona beelaha cumar iyo saami wadaagtooda ee warsangali.

7. Waxay beeluhu xoojinayaan midnimada, wada jirka, wada tashiga iyo wada shaqaynta beelaha Cumar ee Warsangali iyo Saami-wadaagtooda waxayna xoojinayaan in la ilaaliyo wada jirka beelaha ab iyo ood wadaagta ah.

Ugu danbayntii: Beelaha shirka ka soo qayb-galay waxay kala ahayeen.
1. Beesha Gaashaan-buur.
2. Beesha Bahawadaag Xuseen Ciise
3. Beesha Nuux Cumar.
4. Beesha Bahawadaag Reer Saalax.
5. Beesha Aadan Yaaquub.
6. Beesha Xasan Liibaan.
7. Beesha Bahogayslabe.
Wabillaahi Towfiiq.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com