Wajiga Labaad ee Shirka Galmudug iyo maamulka gobolada dhexe oo ka furmaya Jabuuti

HomeWararka

Wajiga Labaad ee Shirka Galmudug iyo maamulka gobolada dhexe oo ka furmaya Jabuuti

Waxaa maanta oo isniin ah ka furmaya magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti wajiga labaad ee shirka maamulada Galmudug iyo Gobolada dhexe oo khi

Baarlamaanka Koofur Galbeed oo muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Lafta Gareen
QM oo shaacisay kordhinta la dagaalanka Ayaxa
Cali Khaliif Gallayd,”Muqdisho iyo Garoowe Lagama Ogola Inaan Ku Biirno Soomaaliland”

Waxaa maanta oo isniin ah ka furmaya magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti wajiga labaad ee shirka maamulada Galmudug iyo Gobolada dhexe oo khilaaf uu u dhaxeeyey,

Kulankan oo wajigiisii hore uu kadhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa soo agaasimay urur goboleedka IGAD oo gacan ka helaya Beesha Caalamka.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxwaynayaasha gobolada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir iyo Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Wararka aynu ka helayno ayaa sheegaya shirkan inuu diiradda saarayo awood qaybsiga maamul ay ku midaysanyihiin Galmudug iyo maamulka gobolada dhexe ee Ahlu Sunah.

Dhinacyada ayaa diiday inuu shirkan kasoo qaybgalo wasiiru dowlaha arimaha gudaha ee dowladda faderaalka C/llaahi Faarax Wehliye oo wararku ay sheegayaan ra’iisul wasaaraha inuu usoo xilsaaray inuu dowladda u matello, waxaana dhinacyadan ay ku eedeeyeen ra’iisul wasaaraha iyo wasiiru dowlaha oo xiriir hoose uu ka dhaxeeyo inay ku kaceen falal lagu burburinayo maamulka Galmudug, kadib qoraalkii kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee uu soo saaray Cabdulaahi Faarax Weheliye oo lagu taageeray mowshinkii xilka looga qaaday madaxwaynaha Galmudug.

Wararka aanu ka helayno Jabuuti ayaa sheegaya inay dhinacyada shirka ka qaybgalaya ay ka codsadeen dowladda inay usoo dirto wasiirkii lahaa shaqada arimaha gudaha ee Cabdi Faarax Juxa.

Shirakan ayaa furmaya maanta, iyadoona la filayo gabagabada in laga soo saaro heshiis lagu soo afjaro khilaafka gobolada dhexe ee dalka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: