Wafdi Kasocda UN-ka oo Gaaray Magaaladda Dhuusamareeb (Sawiro)

Wafdi Kasocda UN-ka oo Gaaray Magaaladda Dhuusamareeb (Sawiro)

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa Maanta gaarey wafdi ka socday Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya waxaana hugaaminaya mr TUBAATO oo Ka tirsan Saraakiisha Sar Sare ee UN-ka

Wafdigan ayaa Kormeer ku sameeyey ilaa 5 Xero oo ka mid ah xarumihii dowladii dhexe ee Soomaaliya ku lahaayeen Magaalada Dhuusa Maareeb, waxaana ujeedka kor meerkkooda uu ahaa in ay UN-ku Calaameestaan halkii laga dhisi lahaa Xarunta UN-ka Magalada dhuusa Mareeb.

Wefdiga ka socda Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale wax ay la kulmeen Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyaga oo kala hadley sidii uu Maamulku ugu fududeyn lahaa dhisida Xarunta UN-ka ee Dhuusa Mareeb.

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug ayaa UN-ka u sheegay in maamulka Galmudug uu uga baahanyahay Kaalmo muuqata oo lasiiyo si loo dardar galiyo hubinta in adeegyadii loo baahnaa lagaarsiiyey dadweynaha.

Maxamed Shaakir oo hadalkiisa sii wata ayaa uga mahad celiyay Hay’addaha UN-ka Sida dhaqsida leh ee ay u fulinayaan balan qaadkii uu dhowaan sameeyey Ergayga Qaramada Midoobey ee ahaa furitaanka Xafiiska Qaramda Midoobe ee Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com