Wafdi ka socda QM oo gaaray dhuusamareeb

Wafdi ka socda QM oo gaaray dhuusamareeb

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaaray wafdi ka socda Qaramada Midoobe oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug, iyaga oo intasi kadib la geeyay Xarunta Madaxtooyada.

Ujeeddada socdaalka wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay qiimaynta xaaladda guud ee dowlad goboleedka Galmudug, arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta degaannada Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com