HomeWararka

Wafdi ka socda dowladda oo booqdey dhaawacyadii loo qaadey Turkiga

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka ah Xildhibaan Xamza Saciid Xamza oo ku sugan turkiga ayaa Isbitaall

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay kulan la yeeshay Isimada iyo Bulshada Rayidka Puntland.
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaalle (Madar), Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Fannaanadii qaranka Khadiija Dalays oo geeriyootay (dhegayso)

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka ah Xildhibaan Xamza Saciid Xamza oo ku sugan turkiga ayaa Isbitaallada ku booqdey dadkii ku dhaawacmey qarixii Ex-Koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo Xubnaha la socdey ayaa waxaa ay u Kuurgaleen xaalada iyo la tacaalidooda guud ahaan dhaawacyada,kuwaas oo ku jira Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga,kuwaas oo qaba dhaawacyo culus.

Waxaa uu Wasiir Xamza ayaa ka dhageystay warbixinta dhaqaatiirta gacanta ku heeysa bukaanada, waxuuna allah ugu baryay in caafimaad taam ah siiyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxeysay in Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Ankara ay si awood ah Soomaaliya ugu soo celinayaan qaar kamid ah dadka dhaawac ah ee jiifa Isbitaalada,hayeeshee warkaasi uu beeniyey Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: