Wacaal Darey ah: Rag hubaysan oo gudaha ugalay Hotel SYL

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Rag hubaysan oo gudaha ugalay Hotel SYL

War haatan naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlay gudaha Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada, iyadoo warar kala

Dr Darwiish: “Guusha SSC-Khaatumo dad badan baa u soo dhintay”
WARBIXIN+SAWIRO:- Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo La Kulmay Waxgaradka iyo Aqoonyahanada Degmada Gol-dogob.
Saaka & Dunida iyo Cabdifatax Cumar Geeddi (dhegayso)

War haatan naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlay gudaha Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo weerarkaasi.

Warar haatan soo gaaray warqabaddka Radio Daljir ayaa sheegaya in rag hubaysan ay gudaha ugaleen Hote SYL.

Raga Hotelka galay ayaa xirnaa dharka ciidamada dowladda iyagoona ladagaalamay ilaalada Hotelka joogtay.
Intabadan Hotel SYL waxaa daga mas’uuliyiinta dowladda sida Wasiirada iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah.
Dad ka soo badbaaday Hotelka ayaa sheegaya in mar kaliya ay rasaas maqleen, iyo Bam gacmeed, kadibna ay gudaha u soo galeen rag hubeysan oo lagu qiyaasay ilaa ku dhawaad 10 qof.

Ragga hubeysan ee weeraray Hotelka SYL ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo isticmaalay xeelad ka duwan sidii looga bartay marka ay hotelada weerari jireen oo ahaa qarax inay ku furtaan albaabka hore ee Hotelka.

Ciidamada dowladda ee sida gaarka utababaran ayaa goobta soo gaaray oo isku gadaamay guud ahaan Hotelka iyo hareerihiisa, waxaana lamaqlayaa dhawaq rasaasta ay isweyraadsanayaan.
Daljir kala soco wixii ku soo kordha warkan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: