Wacaal Darey ah: Madaxweyne Trump: “ Iran way nasiib badantahay  waxayna u muuqataa inay soo dabceyso”

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Madaxweyne Trump: “ Iran way nasiib badantahay waxayna u muuqataa inay soo dabceyso”

Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump oo goor dhawayd qabtay shirkii jaraa’id ayaa ka hadlay weerarkii ay saaka Iran ay ku duqeysay saldhigyada ciidamad

Faahfaahin: Dagaalka ka socda gobolka Tigray
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)
Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahin laga helayo

Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump oo goor dhawayd qabtay shirkii jaraa’id ayaa ka hadlay weerarkii ay saaka Iran ay ku duqeysay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq.

Trump ayaa sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerarkii gantaallo ee ay ku qaadday uusan wax khasaare nafeed ah ka dhalan.

Madaxweyne Trump ayaa xusay inay Iran tahay dowlad nasiib badan maadaama uusan qof Mareykan ah wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iran adeegsatay inkastoo ay Iran horey u sheegtay inay ku dishay 80 ka mid ah askarta Mareykanka.

“Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad.

“Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump.

Trump ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka ay “cunaqabateyno dheeri ah oo darran” kusoo rogi doonaan Iran, hase yeeshee ma uusan sheegin wax aargudasho oo ka dhan ah weerarkii gantaallada – Taasi oo khubarada ay u arkeen jawaab miisaaman.

Madaxweyne Trump ayaa quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Russia iyo China ugu baaqay inay ka baxaan heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana ay ka shaqeeyaan heshiis cusub.

“Dhammaanteen waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis dunida ka dhiga mid nabdoon oo ammaan ah.” Ayuu yiri.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: