Waa sidee xaaladda carruurta derbijiifka horay u ahaa ee lagu xanaaneeyo Bosaso (dhegayso)

HomeWararka

Waa sidee xaaladda carruurta derbijiifka horay u ahaa ee lagu xanaaneeyo Bosaso (dhegayso)

Radio Daljir ayaa maanta booqday xarunta lagu dhaqan celiyo caruurta derbijiifka ah ee magaalada Bosaaso, waxna lagu baro. Xaruntan ayaa waxaa la a

Xildhibaano Barlamaanka PL katirsan oo Shirkadda Dahabshiil ku eedeyaay inay Tageerto Somaliland (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso)
Sahanka Daljir Iyo Riyadii Rumowday ee Dekadda Garacad

Radio Daljir ayaa maanta booqday xarunta lagu dhaqan celiyo caruurta derbijiifka ah ee magaalada Bosaaso, waxna lagu baro.

Xaruntan ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 2011kii ,iyadoo caruurtii lagu bilaabay xaruntan 7 sano ka hor  maanta ay noqdeen macalimiin caruurtan dib wax ubara  qaar koodna ka shaqeeya goobaha ganacsiga ee magaalada Bosaaso .

Xaruntan ayaa waxaa horay u soo food saartay xaalad nolol xumo ,waxayna qarka u saarneed in albaabada loo xiro  balse radio Daljir oo dhowr jeer gurmad qaylo dhaan ah u sameeyay caruurtan ayaa waxaa suurta gashay in bulshada qayba heda kala duwan ay u soo gurmato , noloshii hore ee caruurtana ay wax iska badaleen.

Hadaba wariye Maxamuud Cabdi Ibraahin ayaa warbixintan ka diyaariyay .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: