Ururuka Taalibaan oo hub & diyaarado casri ah gacanta ku dhigay

HomeWararka

Ururuka Taalibaan oo hub & diyaarado casri ah gacanta ku dhigay

Guluf colaadeedkii ay Dagaalamayaasha Taalibaan kula wareegeen caasimad-gobaleedyada iyo Guud ahaan dalka Afganistan waxay hoodo u heleen inay gacanta

Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 68aad daawo)
Odayaal dhaqameed Bosaaso lagu xiray
Cisbitaalka Magaaladda Jigjiga oo u dhow inuu Xirmo

Guluf colaadeedkii ay Dagaalamayaasha Taalibaan kula wareegeen caasimad-gobaleedyada iyo Guud ahaan dalka Afganistan waxay hoodo u heleen inay gacanta ku dhigaan inta badan Qalabkii Milliteri ee uu Maraykanku siiyey Milliteriga dalkaasi.

Dowladda Maraykanka waxay walaac xooggan ka muujisay Hubka iyo Qalabka Milliteri ee ay Daalibaan ku qabsadeen Dagaalkii xawliga ku socday ee ay bishan ku hanteen Guusha lama filaanka ahayd.

Haddaynu eegno Liiska Gaadiidka Dagaalka, Diyaaradaha iyo noocyada kale ee Hubka ee ay Xooggaga Daalibaan qabsadeen waxaan ka xusi karnaa:

A-39 Super Tucan: Waa Diyaarad Fudud oo loogu talagalay Hujuumka ama Weerarka.

Qiimaha Diyaaradaasi waxa uu u dhexeeya 20 ilaa 30 million oo Dollar

UH-60 Black Hawk: Waa Diyaarad Helikoptar oo loo adeegsan karo Duqeynta, Daad-gureynta Ciiddanka iyo Qalabka xamuulka.

Qiimaha halka Diyaarad ee noocaasi ah waxa uu gaarayaa lacag dhan 5.9 million oo Dollar

Scan Eagle Drone: Waa Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahayn, waxaa loo adeegsadaa Sirdoonka, Hawlgalada, Gurmadka Ciiddanka go’doonsan, Dhegeysiga iyo Tashwiish gelinta Qalabka Isgaarsiinta caddowga.

Qiimaha halkii Diyaarad ee noocaasi ah waa 3.2 million oo Dollar

MD-530 F: Waa Diyaarad Helicopter ah, waxaa loogu talagalay Daabulista in Ciiddanka lagu daad-gureeyo.

Qiimaha halkii Diyaarad ee noocaasi ah waa 2.4 million oo Dollar.

Gaadiidka M1151 Humvee: Waa Gaadiidka Gaashaaman ee loogu talagalay inay Ciiddanka ku dagaal galaan, iyadoo Gaadiidkan u babac dhigi karaan noocyada Rasaasta, Hubka Culus iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso.

Waxa uu gabaad u yahay Ciiddamada marka ay ka dagaalamayaan Goobaha halista badan, iyadoo uu dhex jibaaxi Kato Jiiddaha Dagaalka iyo Goobaha miineysan.

Qiimaha Gaarigan waxa uu midkiiba gaarayaa lacag dhan 220,000 oo Dollar.

Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka waxay Milliteriga Afganistan siiyeen 4,700 oo Gaadiidka M1151 Humvee, iyadoo ay Daalibaan la wareegeen kala-bar Gaadiidkaasi

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: