Odayaal dhaqameed Bosaaso lagu xiray

Odayaal dhaqameed Bosaaso lagu xiray

Ciidamad amniga  ee gobolka Bari ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah odayaasha gobolka Bari oo shalay shir’jaraaid ku qabtay magaalada Bosaaso.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay labo ka mid ah odayaashii shalay kulanka ku qabsaday Bosaso, isla markaana xukuumadda  madaxweyne Deni ku dhaliilay heshiiska lala galay Imaaradka Carabta ee loogu wareejiyay Maxjarka xoolaha ee Bosaaso iyo iyo Dekeda oo ilaa mudo saddax sano ah aan ladayactirin.

Odayaasha la xiray ayaa waxa lagu kala magacaabaa Dirac Yuusuf Buuxi  iyo Cawad Maxamad Faarax, waxaana laga soo qabtay hoyga ay magaalada ka daganaayeen.

majirto ilaa iyo hada cid ka hadashay xariga odayaasha dhaqanka  oo dowladda katirsan.

Diiwaanka warraka.

Radio Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com