HomeUncategorized

Ururka Midnimo oo shirwaynihiisii uu ka furmay magaalada Garoowe.

Garoowe,2 Feb,2013 Ururka mucaaradka ah ee Midnimo shirweynihiisii ugu horreeyey ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

(DHAGEYSO) Warka Fiidnimo ee Radio Daljir
Shaqaaqo dhul oo ka dhacday Cabudwaaq iyo 18 boolis ah oo lagu dhaawacay degmada (Dhegeyso)
Dowladda Puntland oo qaxooti Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Yemen dib ugu celinaysa koonfurta Soomaaliya

Ururka mucaaradka ah ee Midnimo oo ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira Puntland ayaa shirweynihiisii ugu horreeyey ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kasoo ay ka qeybgaleen boqolaal qof oo isugu jira xubnaha ururka iyo dadwayne ?kale oo taageersan ururka.

Qaar kamid ah Ergooyinkii ?ka qeyb galay shirka ayaa waxaa ay ka yimaadeen gobolada?? Puntland oo dhan waxaana ay sheegeen in uu xafiisyo ku yeeshey ururka? midnimo islamarkaasna uu bilaabayo hawlihiisa shaqo, iyagoo intaas ku daray in taageerayaasha ururku ay aad u badanyihiin,

Gudoomiyaha ururka Midnimo Saadiq Eenow ?oo qudbad dheer ka jeediyey furitaankii shirka ayaa sheegey in ururku uu ka duulayo mabaadii’da iyo qiyamka umadda kuna shaqeyndoono nidaamka dastuuriga ah ee Puntland, wuxuuna intaas ku daray in uu rururku ka qeyb_qaadandoono yagleelidda Puntland cusub oo ku timadda talo wadaag iyo caddaalad.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegey in ururka Midnimo uu taageerayo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaasna uu kala qeyb_qaadandoono tallaabo ?kasta oo Soomaaliya la isugu keenayo.

Shirka maanta magaalada Garoowe uga furmay ururka Midnimo ayaa socondoona muddo 2 maalmood ah, waxaana la filayaa in lagu doorto hoggaanka rasmiga ah ee ururkaas.

?

Daljir Garoowe

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: