Dowladda Puntland oo qaxooti Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Yemen dib ugu celinaysa koonfurta Soomaaliya

Bosaso, Apr 13 -Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa maanta soo gaaray ku dhowaad 120-qof oo u badan dhalinyaro haween, rag iyo carruur.

Qoysaskan ayaa waxaa ay sheegeen inay ka soo carareen xaalado nolol xumo oo ku haysatay dalka Yemen tan iyo markii dalkaasi uu ka bilowday kacdoonkii xukunka looga tuuray madaxwaynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdala Saalax.

Wasiirka dekedaha Eng Saciid Maxamed Raage ayaa u sheegay warbaahinta dadkan inay lasocdeen laba doonyood oo shalay soo gaaray dekedda Boosaaso.

Waxaa uu sheegay inay kusoo dhoweeyeen qoysaskan dekedda magaalada Boosaaso, kadibna dowladda ay u diri doonto koonfurta dalka Soomaaliya oo markii hore ay ka tageen.

Dadkan ayaa laga qaaday dekedda Boosaaso, waxaana la filayaa inay dib ugu noqdaan ehelooda.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com