Ururka Macallimiinta Dalka Kenya oo Uhuuru kenya Baaq u diray

HomeWararka

Ururka Macallimiinta Dalka Kenya oo Uhuuru kenya Baaq u diray

Ururka Macallimiinta Dalka Kenya ayaa waxaa ay codsi u direen Madaxweynaha Dalka Kenya si loo dhameeyo dhibaatada ay la kulmayaan macallimiinta aan u

Guddoomiye Jawaari oo beeniyaay inuu is Casilayo (Akhriso)
Saaka & Dunida iyo Hodan Sulub Diini, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Bud-dhigga Hormarka Bursaalax (Taxanaha 2aad)

Ururka Macallimiinta Dalka Kenya ayaa waxaa ay codsi u direen Madaxweynaha Dalka Kenya si loo dhameeyo dhibaatada ay la kulmayaan macallimiinta aan u dhalan gobolka Waqooyi Bari.

Xoghayaha Ururka KNUT qeybta Gaarisa C/Risaaq Xuseen ayaa Madaxweynaha weydiistay in uu saxiixo warqad oggolaaneysa in ardeyda dhigata Dugsiga sare ee u dhashay Gobolka ay ku dhigi karaan Dugsiyada Xudduudka dhaca si looga maarmo kuwa ajannabiga ah.

Waxaa uu sheegay in Ardeyda dhigata Dugsiga sare la siinayo tababarro macallinimo oo ay wax ku bari karaan inta u dhaxeysa fasallada 1aad ilaa 5aad,taas oo uu sheegay in ay waxbadan ka saacideyso.

C/Risaaq Xuseen ayaa sheegay in Dugsiyada Gaarisa ee 6, 7 iyo 8 ee xudduudda xiga loo wraeejiyo magaalooyinka waaweyn iyada oo laga dhiagyo jiif si ay u nabad galaan macallimiinta wax ka dhiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: