Ururka Kaah wuxuu ku daaban yahay Dawlada mashaariicdii iyo dhinac kasta” (daawo)

Ururka Kaah wuxuu ku daaban yahay Dawlada mashaariicdii iyo dhinac kasta” (daawo)

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan oo xalay ka hadlayey madal Ururka KAAH kusoo dhoweynayey xubno cusub oo kusoo biiray Ururka, ayaa sheegay in hadii Ururada mucaaradka ah ku guulaystaan doorshada golaha deegaanka ay mashaariicda Dawlada waayi doonaan.

“Hade qof mucaarad ah oo meel tegey oo aan Dawlad ku xirnayn meel gaari maayo laakiin Ururka Kaah wuxuu ku daaban yahay Dawlada mashaariicdii iyo dhinac kastana waxay noqonaysaa in loo fududeeyo,” ayuu yiri.

Ururka KAAH oo uu gudoomiye u yahay Madaxweynaha Puntland ayaa hore loogu eedeeyey inuu ku ololaynayo shaqooyinka Dawladu qabatay, laba maalmood kahor ayaa lagu helay Ururka inuu jebiyey sharciga Ololaha iyadoo ganaax lacageed lagu ridey.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com