Ururada Bulshada Rayidka oo kulamo la yeeshay Guddoonka Labada Aqal

HomeWararka

Ururada Bulshada Rayidka oo kulamo la yeeshay Guddoonka Labada Aqal

Ururada Bulshada Rayidka ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan Madaxda ugu sareysa dalka, Guddiga doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda, iyagoo doon

Duqa cusub ee Muqdisho oo joojiyay in la iibiyo dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro
Codbixintii doorashada madaxtinimada Somaliland oo saaka ka bilaabatay, gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland
Madaxweyne Gaas oo Maanta Booqday Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug (Sawiro)

Ururada Bulshada Rayidka ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan Madaxda ugu sareysa dalka, Guddiga doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda, iyagoo doonaya in xal iyo is afgarad siyaasadeed laga gaaro khilaafka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Tahliil Shaatax oo hoggaaminaya xubnaha Bulshada Rayidka ayaa shalay kulamo gaar gaar ah la qaatay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi C/llaahi.

Kulamadan ayaa ku saabsanaa sidii is afgarad looga gaari lahaa doorashooyinka dalka oo lagu mursan yahay, waxaana ay labada guddoon ay u soo jeediyeen inay xaliyaan khilaafka dhexdooda ah.

Sidoo kale waxaa ay ururada bulshada rayidka la kulmeen Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana ay la wadaageen in doorashada noqoto mid heshiis ku yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Ururada Bulshada rayidka ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashada iyo sida ay la tahay in khilaafka siyaasadeed loo xaliyo.

Ururada Bulshada rayidka ayaa la filayaa inay la kulmaan Xisbiyada Siyaasadda oo iyagana diidan doorasho hal dhinac uu wato oo aan heshiis lagu aheyn.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: